
Ku cusub Iswiidhan
Dadka ku cusub Iswiidhan, ku cusub shaqadda.
Soo dhowaada! Waxaanu leenahay abukaatayaal iyo hagayaasha hordhaca oo ka kala yimid dhammaan dunidda. In badan oo ka mid ah xubanahayaga shaqaalahu waxay soo mareen dhab ahaan meesha aad hadda marayso maanta: ku cusub Iswiidhan. Xagayada waxaad la kulmi doontaa dad ballan leh oo kaa caawin doonaa in aad jidkaaga ka hesho bulshadda Iswiidhan iyo nolosha shaqada. Ujeedadayadu waa in aad adigu dareento ammaan gudaha Iswiidhan. Oo aad adigu u hesho shaqo si degdega, ama koorso kugu habboon.
Boggan waxaa loo turjumay luqaddo kala duwan si adiga uu kuu siiyo qiimayn kooban oo ah waxaanu kugu caawin karno. Dhammaan xogta inta hadhay boggayaga internerka waxay ku qorantahay Af Iswiidhish.
Jihada ujeedooyin cusub
Eductus waxaa la dhisay 1991 oo haddana waa mid ka mid shirkaddaha waxbarashada dadka waa wayn ee ugu wayn Iswiidhan. Waxaanu leenahay 800 oo shaqaale oo ka shaqeeya 70 goobood Iswiidhan oo dhan. Waxaanu bixinaa tababar, waxbarashada degmadda ee dadka waa wayn (Komvux), Af Iswiidhishka muhaajiriinta (SFI), tababarka xirfadaha iyo shaqaalaynta. Ruuxda dhaqanka shirkadayadu waxa uu ku salaysanyahay caqiido adag oo ah sinaanta qiimaha dadka oo waxaanu qayb ka qaadan doontaa Iswiidhan sidii hore ka fiican.