
Taageero iyo ku Habboonaysiin
Ma raadinaysaa shaqo cusub ama maka fekeraysaa bilaabida kooras cusub? Markaa Taageero iyo ku Habboonaysiin (Stöd och matchning) waa adeega kaa caawin kari lahaa in aad hore u socoto. Sidii shaqo doon waxaanu ku siinaa adiga agabka kugu habboon ee aad guul ku gaadhi doonto ujeedooyinkaaga shakhsiyeed. Waxaad ka soo geli kartaa Taageerada iyo ku Habboonaysiinta xaga Eductus adoo soo maraya Arbetsförmedlingen (Adeega Shaqada ee Dad waynaha).
Ku saabsan Taageero iyo ku Habboonaysiin
Teegeero iyo ku Habboonaysiin waa qorshe lagu habboonaysiinayo baahiyaha shakhsi kasta. Iyaddoo si wada jir ah ah ay noola jiraana maamulayaashayadu waxaanu kuula nimaadnaa adiga xal. Waxaanu samaynaa baadhitaan feejigan sidii shakhsi si aanu kuugu habboonaysiini adiga shaqooyinka ama koorsooyinka aad xiisaynayso. Waxaanu isticmaalnaa agabka qiimaynta dhaqanka DISC si aanu u fududayno raadinta shaqadaada.
Maxay Taageero iyo ku Habboonysiinti ku hogaamisaa?
- Shaqooyin – haddii aad raadinayso shaqo, Taageero iyo ku Habboonaysiintu waa adeega kugu habboon adiga. Maamulayaashayadu waxay leeyihiin xirfad aad u badan iyo khibrad, oo waxay yaqaanaan waxa loo baahanyahay si laguugu saaro adiga caalamka shaqada.
- Waxbarashada – Haddii aad xiiso u hayso waxbarasahda, markaa daraasadayada aqoonta leh iyo la taliyayaal hagitaan ayaa diyaar u ah in ay kaa caawiyaan helida koorsada habboon.
- La xidhiidhka loo shaqeeyayaasha – annaga ayaad naga heli kartaa wax ku saabsan taayada balaadhan iyo shabakada ganacsiga dhisan iyo xidhiidhada loo shaqeeyayaasha.
Yaa loogu talo galay Taageero iyo ku Habboonaysiin?
Taageero iyo ku Habboonaysiin waxaa loogu talo galay dadka raadinaayay shaqo in muddo ah. Sidoo kale waxaanu siinaa taageero dadka aan weli ku wanaagsanayn luqadda Iswiidhishka, siiba taageerada dheeraadka ah ee shakhsiyaadka u baahan.
Aqoontee hore ayaan u baahanahay?
Uma baahnid aqoon hore oo gaar ah, laakiin waa in aad ka diiwaan gashantahay Arbetsförmedlingen (Adeega Shaqada ee Dad waynaha) oo aad ku soo dhammaysataa codsigaa iyaga.
Sababteen u dooranayaa Eductus?
- Waxaanu ku siinaa agabka aad u baahantahay si aad u gaadho ujeedooyin kasta oo adiga kugu habboon.
- Shabakadayada balaadhan ee ganacis iyo xidhiidhada loo shaqeeyayaasha waxay ku siiyaan fursadda aad meel kaga helayso albaabka goobta shaqo ee dhabta ah.
- Sagaalkiiba toban ka mid ah shaqa doonka ka qayb qaatay ayaa talo ku bixiyay adeegayaga.
Sida loo codsado
Lahadal shaqaalaha kiiskaaga xaga Arbetsförmedlingen.